Dowladda Kenya oo soo iibsatay diyaarado ay kula dagaalameyso Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ku dhowaad 10 diyaaradood oo nooca dagaalka ah ay ka soo iibsatay dalka Mareykanka.

Wasaaradda difaaca Kenya ayaa xaqiijisay in diyaaradahaasi oo gaaraya lix oo Helicopters ah ay dhowaan tegayaan dalkaasi.

Sidoo kale wasaaraddu waxa ay sheegtay in dowladda Mareykanka ay u tababari doonto duuliyeyaasha kaxeyn lahaa diyaaradahaasi.

Warka ka soo baxay wasaaradda difaaca Kenya ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradahaas saldhig looga dhigayo garoonka ciidanka Cirka Moi ee Mombasa, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa haatan dagaal culus kula jirta dagaalyahannada Al-Shabaab oo inta badan weeraro xoogan ka fuliya gudaha dalkeeda.

Iibsashada diyaaradahan cusub ee Kenya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Al-Shabaab ay burburisay gawaari nooca gaashaman oo ay dowladda dalkaas ka soo gadatay Shiinaha.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com