Siera Leone oo soo saartay go’aan ku saabsan ciidanka ka jooga Somalia

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Siriliyoon ayaa sheegtay in ciidankeeda ku sugan Soomaaliya aysan la bixi doonin kaddib markii kooxda Al-Shabaab ay dignii u dirtay dhamman dowladdaha ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya.

Wasiirka gaashandhigga dowladda Siriliyoon oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in askarta Siriliyoon ay u tageen Soomaaliya siddii ay u caawin lahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo 22-sano ku jiray dagaalo sokeeye.

Waxaa kaloo uu sheegay wasiirka gaashandhigga in dowladda Siriliyoon ay ka gudayso deen lagu lahaa 10-kii sano ee dagaalada sokeeye ku jireen markaas oo waddamo badan oo Afrikan ah ay gacan siiyeen dalka Siriliyoon oo dagaal sokeeye ku jiray kaasoo soo dhammaaday sannadkii 2002-da.

“Afrika aad ayaan ugu hanweenahay in aan horumarino waayo dhibka ka jira wuu na saameen doonaa” ayuu yiri wasiirka.

Si kastaba, dowladda Siriliyoon ayaa ciidamo gaaraya hal guuto oo ah oo kuwa millitariga ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan gobalada Jubbooyinka iyo 55- askari oo booli ah, kuwaasoo qayb ka ah howgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Siriliyoon waxaa kaloo ay sheegtay in dhawaan ay u soo diri doonto Soomaaliya 150-boolis ah kuwaasoo ka qayb qaadanaya xasillinta dalka Soomaaliya.

Caasimaada Online

Xafiiska Wararka Nairobi