DF Somalia soo dhaweeysay dhismaha UNSOS !!

New York (Caasimada Online) – Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia AMISOM iyo dowladda Somalia ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay dhismaha xafiiska taageerada QM ee Somalia (UNSOS), kaasoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay go’aamiyeen dhismaha xafiiskan.

Madaxa Xafiiska AMISOM ee Somalia, isla markaana matalaya wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Jen. Fidza Dludlu ayaa soo dhaweeyay dhismaha xafiiska QM ee UNSOS, kaas oo lagu dhisay qaraar tirsigiisu yahay 2245 oo ay soo saareen Golaha Amaanka ee QM.

Xafiiskan cusub ee UNSOS ayaa waxaa lagu bedlay xafiiskii hore ee taageerada Qaramada M ee ciidamada AMISOM ee Somalia UNSOA, wuxuuna xafiiskan cusub xoojin doonaa howlgallada ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ee dhanka ka ah Al-shabaab.

“UNSOS wuxuu xoojinayaa howlgallada ay sida wadajir ah ugu jiraan ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan inay dalka uga saaraan Al-shabaab, taas oo qayb ka ah howlgalka ay ciidamada Midowga Afrika u joogaan Somalia iyo weliba sidii dib loogu soo celin ahaa nabadda iyo amniga Somalia,” ayuu yiri Jen. Fidza Dludlu.

Sidoo kale, xafiiska QM ee taageerada Somalia UNSOS wuxuu si joogto u saacidi doonaa 22,126-ka ciidamada AMISOM iyo weliba 10,900 oo askari oo ciidamada Soomaaliya ah; kuwaasoo howlgallada socda la fuliya ciidamada AMISOM.