Dowladda Somalia oo codsi laba qodob ah u gudbisay dowladda MAREYKANKA

New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka ee Africa Tibor Nagy, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen, kana codsadeen labada qodob oo kala ah Aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya, iyo in Soomaaliya laga qaado xayiraada dhinaca socdaalka ah ee ka saaran dalka Mareykanka.

Wasiirku waxa uu sheegay inay Mareykanka u sheegeen inay Soomaaliya muhiim u tahay inay aqoonsadaan baasabaoorka Soomaaliya si la mid ah Waddanka Norway oo dhawaan aqoonsaday baasaboorka Soomaaliga.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinaca Amniga, haba ugu weynaatee tababarka ciidamada iyo sidoo kale fulinta weeraro cirka ah oo lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Sidoo kale ciidamo Mareykanka oo kooban ayaa ku sugan Muqdisho iyo garoonka Balidoogle ee duleedka Muqdisho, halkaasi oo ay ku caawiyaan ciidamada kumaandooska Soomaaliya, si weeraro qorsheysan loola beegsado horjoogeyaasha Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com