DF oo galabta Muqdisho ku tijaabinaysa hub culus

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta magaalada Muqdisho ku tijaabinaysa hub culus, sida lagu sheegay farriin wargelin ah oo Taliska Ciidanka Booliska u diray shacabka ku dhaqan gudaha caasimadda.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in tijaabada hubka la sameyn doono inta u dhexeysa 2:00 iyo 3:00 galabnimo, isaga oo shacabka u xaqiijiyay in tijaabadaasi aysan waxyeello u geysan doonin muwaadiniinta.

“Wargalin Dag Dag ah. Dhawaqa aad maqli doontaan maanta marka ay saacadu tahay 2:00 ilaa 3:00 galabnimo ma ahan dhawaq wax u dhibaya muwaadiinta naf iyo maalba,” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Sidoo kale, wuxuu shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, dulqaadna muujiyaan inta ay socoto tijaabada hubka dowladda.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa mararka qaar sameeya tijaabooyin hub ridis ah, iyadoo shacabka horay loogu sii wargeliyo si looga hortago cabsi iyo qalqal amni oo ka dhasha dhawaqa hubka.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay tijaabada hubkan?

Cali Xasan Cismaan: ” Habeenkii tijaabiya maalinki waala soo jeedaa, waana la naxaa”.

Mire Cali Mire: “Dhawaqa mid kheyr qaba Alle haka dhigee maxaa waayey taliya Mahdi Cumar Muumin?”.

Cabdiraxmaan Xaashi Cabdi: “Hubkii mucaaradka lagu garaaci lahaa miyaa la tijaabinayaa?”.

Luul Maxamed: “Turki ayaaa hubkiisa nagu tijaabsanayo u sii raaci uu dalkiisa kala soo cararay”.

Cabdiraxmaan Cali Abuukar: “Haddii muwadiniintu dhibaayo maa laga hor tago?”.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa sannadihii u dambeeyay ahaa mid wanaagsan marka loo eego xaaladihii hore, iyadoo caasimada laga dareemayo xasillooni amni iyo dhaqdhaqaaqyo ganacsi iyo kuwa bulsho oo caadi ah.

- Advertisement -

Read more

Local News