DF Somalia oo Muqdisho ka go’doomisay 15 dhinac

Sida ay u dhalatey Dowladaan waxaa Maalinba maalinta ka dambeysa Muqdisho sii galeysey Go’doon Dhinaca Nolosha

Bal ila fiiriya Qodobadaan

1- Waxaa laga Xirey Wadooyinkii oo dadka iyo Gaadiidka isku socon La’ yihiin.

2-waxaa laga Xirey Hayadihii Gargaarka.

3- waxaa adkaatey soo gelitaanka Gawaarida Xamuulka ee keenayey Khudaarta’ Dhuxusha’ Caanaha,Dhagaxa iyo Xoolaha.

4- Waxaa loo Fududeyn waayey qaadashada Baasapoorka oo muddo Dheer sugayaan

5- waxaa Dhibaato Cariiri ah lala kulmaan Xurunta CID iyo Gobolka Banaadir marka la qaadanay Warqada Dambi la’aanta, Dhalashada iyo Sugnaanta waxayna qaarkood dadka Bixiyaan Laaluush si ay Waraaqahaas u helaan.

6- Waxaa ku adkaatey in ay ka baxaan Garoonka Diyaaradaha markay VISO Sax dadka wataan waxaana markasta laga reebaa Diyaaradaha  iyadoo kuwa baxana laaluush  laga qaataa.

7- Dilal Joogta ah oo ay geysanayaan Askarta Dowladda.

8- Gawaaridii Xamuulka oo ka soo bixi waayey Dekedda  soona geli waayey.

9-Dadkii Bukaanka ahaa ama Haweenkii Foolanayey oo Isbitaalada gaari Waayey.

10-Canshuur Dheeraad iskana Socota oo laga qaado Bulshada Muqdisho.

11- Dadkii oo Kireysanayey Guryaha oo Sharuudo adag la hordhigey waxaana lagu khasbey in ay Degmada Tagaan

12-Marka ay Madaxda Baxayaan ama Dhoofayaan oo isku socodka lagu Giijiyo

13-Diyaaradii  Gobolada aadi jirey Canshuur Dheeraad ah lagu soo rogey iyadoo Diyaaradaha Jubba iyo Daalo oo qarka u saaran In ka Fariistaan Shaqada markii Howshoodii lagu Farageliyey.

14- Waxaa Halkii Gawaari dhigasha ee garoonka lagu soo rogey Kiro iyadoo markii hore Dhibaato ku qabey.

15- Xajkii Sanadkaan oo isna Jahwareer la geliyey Dadkiina ay aamin la’ yihiin  cid lacagtooda ku aaminaa waxaan loogu soo darey Wax la yiraahdo VIP XAJ

Dadka Maanta Muqdisho ku nool  waxay qaarkood Taagan yihiin in ay u Wanaagsaneyd markii Dowlad la’aanta ahayeen Hadii Dowladii sidaa Shacabkeeda u Dhibaateyneyso marka Dadka Muqdisho ilaah baa u Maqan

Amiin Yuusuf Khasaaro

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid