Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dib u soo ceshatay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u soo ceshatay nidaamka tikidhada duullimaadyada ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA), sida uu shaaciyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuur.

Wasiirka oo warbixin siiyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaraddu ku guuleysatay dib u soo celinta nidaamkan, kaas oo dalka u suuragelinaya inuu si rasmi ah uga qayb qaato maamulka iyo la socodka tikidhada duullimaadyada.

Tallaabadan ayaa lagu bogaadiyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, waxaana lagu boorriyay inay dardargeliso gudashada waajibaadka horyaalla, si loo xaqiijiyo hirgelinta faa’iidooyinka laga filayo nidaamkan.

Soomaaliya ayaa 30-kii April 2026 tijaabisay nidaamkan, kaas oo lagu hubinayo saxnaanta tikidhada iyo la socodka dakhliga ka soo xarooda. Ururka IATA oo la aas-aasay sannadkii 1945-kii, ayaa nidaamkan u adeegsada isku-dubbaridka adeegyada tikidhada iyo hawlaha shirkadaha diyaaradaha.

Dib u soo celinta nidaamkan ayaa Soomaaliya u fududeyn karta hubinta tikidhada iyo adeegsiga koodhadhka caalamiga ah ee lagu aqoonsado garoomada diyaaradaha iyo shirkadaha duullimaadyada.

Dhanka kale, nidaamkan ayaa la filayaa inuu Soomaaliya u abuuro fursado dhaqaale iyo iskaashi oo ay ka faa’iideysan karto, maadaama uu fududeynayo la macaamilka shirkadaha diyaaradaha iyo maareynta xogta tikidhada.

Hirgelinta nidaamkan ayaa sidoo kale muhiim u ah horumarinta adeegyada duulista hawada ee dalka, iyadoo la filayo inuu gacan ka geysto kor u qaadista hufnaanta maamulka tikidhada iyo dabagalka dakhliga ka soo xarooda adeegyada duullimaadyada.

- Advertisement -

Read more

Local News