“Dowladda Uganda waxay iila dhaqantay sida ay DFS ula dhaqanto ciidamadeeda” Waxaa yiri…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maliki Wakibi oo kamid ah Ciidamada Ugandha ee qeybta ka ah AMISOM ayaa ka hadlay dayacnaan ay Dowlada Ugandha u muujisay xili uu yahay garaab.

Maliki Wakibi waxa uu sheegay in caafimaadkiisa uu ku waayay Qarax lala eegtay gaari uu la socday xili ay Howlgal ka wadeen mid kamid ah Gobolada Somalia.

Waxa uu sheegay in dhaqanka hadda ay kula dhaqantay Dowladiisa Ugandha ay tahay dhaqamadii ay Dowlada Somalia kula dhaqmeysay Ciidamadeeda xiliyada ay ku dhaawacmaan dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab.

Maliki Wakibi ayaa tilmaamay in nolol mugdi ah uu galay maalintii uu soo gaaray dhaawac waxa uuna carab dhabay inuusan wali helin gargaarkii Caafimaad ee uu ka filaayay inay u sameyso Dowlada Ugandha.

Waxa uu sheegay in hadda uu deegaan ku yahay Tuulladda Kareu ee Degmadda Busiya islamarkaana uu yahay Askari aan helin xuquuqdii uu ku lahaa Dowladiisa, balse ay tani u muujisay in Askari waliba la rabo xiliga uu caafimaad qabo.

“Bil kasta waxaa baaritaan caafimaad u tagaa Isbitaalka Aga Khaan ee magaalladda Nairobi, waxaana iga baxda kharash dhan 700,000 oo Shillinka Kenya”.

Maliki Wakibi ayaa cod dheer ku sheegay in tan iyo markii uu dhaawacmay 2014 uusan helin Mushaaraadkii uu ku lahaa Dowlada Ugandha oo uu wali u diiwan gishan yahay waxa uuna ku baaqay in wax laga bedelo habdhaqanka.

Ugu danbeyntii, Maliki Wakibi waxa uu sheegay inuu heysto Carruur aad u farabadan islamarkaana uusan hadda u heynin wax nolol ama qutul-yoom ah, sababo la xiriira daryeel la’aanta Dowladiisa ay u muujineyso iyo abaalmarin looga dhigay mushaarka oo laga jaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com