Dowlada UK oo ka hadashay nooca doorasho ee ay tahay in Soomaaliya laga qabto

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Britain u jooga Soomaali Ben Fender ayaa sheegay in Soomaalida ay u taallo in ay go’aan ka gaaraan hoggaamiyaha ay doonayaan, waqtiga doorashooyinka soo socda iyo nooca ay noqonayaan, hadalkaas oo u muuqda in uu kasoo degay meeshii uu markii hore ka istaagay doorashooyinka oo uu dalbanayey in ay xilligooda ku qabsoomaan.

“Waxaan ixtiraameynaa madax-banaanida Soomaaliya. Qofka hoggaminaya Soomaaliya iyo doorashada, Soomaali keliya ayaa go’aan ka gaareysa,” ayuu yiri Fender oo twitter-kiisa kusoo daabacay muuqaal soconayay laba daqiiqo.

Siyaasiyiinta Soomaalidu hadda waxay heystan mddo afar bilood ah oo ka xigta xilliga ay tahay in la qabto doorashadda baarlamanka 27-ka December 2020-ka, iyo midda madaxtooyadda oo ku began 8-da Febraayo 2021-ka.

Xisbiyadda mucaaradka ah iyo madaxda maamul goboleedyadu waxay ku adkeysanayaan in la qabto doorashadda xilligeedii, iyadoo la adeegsanayo hanaan dadban, halka madaxda dowladda federalkuna ay ku adkeysanayaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah, iyadoo la kordhinayo mudo xileedka hey’adaha dastuuriga ah.

Guddiga doorashooyinku waxay cosadeen $70 million si ay u qabtaan doorasho ka duwan middii la qabtay 2016-2017, taasi oo la rumeysanyahay in uu musuq hareeyay.

Safiirka UK, ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu dadka la wadaago go’aanka dalkiisa ee ku aadan doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, kadib markii uu helay su’aalo badan oo ku saabsan meesha ay UK ka taagantahay arrimaha dalka ka taagan.

Isagoo og in Dowladda iyo mucaaradku ay si dhow erayadiisa ula socdaan ayuu ka weecday cayrintii Ra’iisul Wasaare Khayre  oo baarlamanku ku eedeeyay in uu ku guul darreystay in uu diyaariyo doorasho xilligeeda ku dhacda.

Fender waxaa uu doortay in uu diiradda saaro baahida ay Soomaaliya u qabto wadahadal iyo tanaasul, waqti yar ayuuna ku kharash gareeyay ka hadalka doorashooyinka soo socda.

“Waa muhiim in uu jiro wadaxaajood siyaasadeed oo loo dhanyahay si horay loogu socdo loona dhiso hanaankii lagu heshiiyay ee shirkii Dhuusamareeb,” ayuu yiri isagoo soo xiganaya heshiiskii 22-kii July ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyadda.

Heshiiskaas waxaa uu ku baaqayay in dalka laga qabto doorasho xilligeeda ku dhacda isla markaana “lagu wada qanacsanyahay” iyo in la aas-aaso guddi farsamo oo ka shaqeeya nooca doorashadda.

“Waxaan ugu baaqaya qof walba in gacanta la is qabsado la isuna tanaasulo,” ayuu yiri Fender.

Sanadkii lasoo dhaafay, ayuu Fender ka careysiiyay dad badan markii uu si furan u cambaareeyay doorashadii ka dhacday magaaladda Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe.

Markale ayuu hadana bedelay aragtidii Dowladdiisa ee doorashadii Kismaayo markii uu ku biiray 13 dowladood, Qaramadda Midoobay iyo Midowga Europe oo soo dhoweeyay heshiiskii gaareen Axmed Madoobe iyo raggii kasoo horjeeday.

“Waa ay wanaagsantahay in la arko dhinacyadii iska soo horjeeday oo heshiiyay, laakiin waxaa loo baahanyahay siyaasad loo dhanyahay,” ayuu safiirku ku sheegay farriintiisa.

Waxaa uu madaxda Soomaalida iyo mucaradkaba ku booriyay “in ay ka fogaadaan ficiladda goonida ah ee dareenka kicinaya.”

“Qof kasta waxaa faa’iido u ah in arrimaha siyaasadda lagu xaliyo wadajir,” ayuu yiri safiirka UK.

Waxaa uu yiri “xasiloonida mudada dheer ee Soomaaliya waxay ku xirantahay adkeynta ku dhaqanka sharciga.”

Safiirku waxa uu muujiyay rajadiisa ah in hogaamiyeyaasha Soomaalidu ay “go’aan caqliyeysan” qaadan doonaan si loo xaliyo muranka ku saabsan doorashadda, “sababtoo ah saaxiibadood waxay doonayaan dib u dhiskooda, sida aan ugala shaqayneynaba amniga iyo deyn cafinta.”

“Waxaan rajeynayaa” ayuu yiri in “madaxdu ay heli doonaan xal xoojinaya saxiibtinimadeena, taasi oo mar hore la gaaray.”