Duqayda Ceel Buur oo lagu khasbay wax aad loola yaabay.

Saddex ka tirsan duqayda Ceel Buur ayaa ku jiray gacanta al-Shabaab in ka badan laba usbuuc iyaga oo lagu haysto in aysan bixinin lacagtii magta ahayd oo lagu xukumay inay ka bixiyaan maleeshiyaadka sida sharci darrada ah ku dishay labo dhalin yaro ah Diseembar 2012.

Labada marxuum, oo kala ah Qaasim Cali oo 21 jir ahaa iyo Maxamed Aadan oo jiray 25, ayaa la dilay ka dib markii labo dagaal yahaniinta al-Shabaab ah ay xabad ku fureen dhalin yaro kubadda cagta ku ciyaaraysay Ceel Buur, dadka deegaanka ayaa sidaas sheegay.

Madaxda al-Shabaab ayaa sheegay in dhimashadaas ay ahayd mid aan ula kac ahayn iyada oo dadkii arrintaas gaystay uu qasadkoodu ahaa in ay cabsiiyaan dhalinyarada, dadkii halkaas isugu yimidna kala caydhiyaan, aysana rabin in ay dilaan, sida uu sheegay Cabdullahi Faarax oo 25 jir ah deganna Ceel Buur. Maadaama ay al-Shabaab u fasireen inay labada dagaal yahan masuul ka ahaayeen shilka iyaga oo ah muwaadiniin oo aan ahayn ciidan, waxay mitidiintu ku amreen duqayda ka soo jeeda qabiilada labada dagaal yahan inay bixiyaan dhibkii loo gaystay qoysaska dhibanayaasha iyaga oo bixinaya 200 oo geel ah.

Qabiilka ayaa diiday in uu bixiyo magta maadaama uu xaq darro yahay amarkaas. Laakiin Janaayo 12-keedii, al-Shabaab ayaa qabatay 17 ka tirsan duqayda qabiilka, iyada oo 14 ka mid ah ay sii daysay lix bari ka dib markii cadaadis ay ku aqbaleen in saddexda oday ay ku jirayaan gacanta al-Shabaab illaa laga bixinayo 200 ee geel.

“Xaaladdan saamayn wayn ayay [beesha] ku yeelatay,” Faarax ayaa sidaas yidhi. “Waan ka xunnahay, laakiin shacab ahaan waxba ma samayn karno. Way ku adag tahay in duqaydu ay geela soo ururiyaan sababta oo ah dadka laga sugayo in ay bixiyaan qaarkood ayaa aad faqri u ah.”

Beeshu mas’uul kama aha khaladaadka al-Shabaab

Abukar Cusmaan, oo ka mid ah duqayda la sii daayay, ayaa sheegay in xilligii wada hadalka ay duqaydu iyaga oon ku guulaysanin baryeen madaxda al-Shabaab, iyaga oo u sheegay in beeshu aysan masuul ka ahayn mujrimiintan danbiga gaystay maadaama aysan shacab ahayn ee ay ahaayeen askarta al-Shabaab.

“Waxaan u sheegnay al-Shabaab inay iyagu magtaas bixiyaan,” Ayuu yiri Cusmaan. “Kuwa wax dilay waa ciidankiina, mana awoodno in aan bixino waxa aad naga doonaysaan,” ayuu sheegay inay ku yidhaahdeen kooxda mitidiinta ah.

“Way diideen inay na dhagaystaan anaga. Xaataa waxay diideen in ay qayb bixiyaan mag-dhawga, waxay noo sheegeen in aan anagu wax walba bixinayno. Khiyaar kale ma lihin oo aan ka ahayn in aan amarkooda fulino, soona ururino geela,” ayuu yiri.

“In kasta oo aysan wakhti cad noo qabanin, waa in aan si dhakhso ah arrintan ku qabanaa, sababta oo ah dadkeena [aan dambiga galabsanin] ayaa xabsi ku jira,” Cusmaan ayaa sidaas yidhi, isaga oo intaas ku daray in duqaydii la sii daayay aan wax dhib ah loo gaysanin intii ay ku jireen gacanta al-Shabaab.

Cabdicasiis Aadan oo 32 jir ah Ceel Buurna daggan, ayaa sheegay in xadhiga duqaydu uu soo cusboonaysiiyay cabsi iyo walwal shacabka dhexdiisa ah.

“Xaaladdan ayaa runtii aad noogu adag. Al-Shabaab waxay na tusinaysaa awoodeeda,” ayuu yidhi. “Dadka laga rabo inay geela bixiyaan ayaa naftooda dhibaato haysataa.”

Aadan ayaa sheegay in geela badan ee la bixinayo uu cadaadiska ku sii badinayo xoola raacatada maxalliga ah oo isku dayaya in ay ka gudbaan xilligan dhibka badan ee roobka iyo daaquba uu xooladooda ku yar yahay.

“Shacabka ayaanba haysanin cunto ku filan taasoo ay sababtay xanibaadda ay al-Shabaab xanibtay hay’adaha gargaarka, haddana waxay ku amrayaan in ay bixiyaan xoolahoodii yaraa ee ka soo badbaaday abaartii sanadkii hore si dhibkii [ay iyagu gaysteen] looga bixiyo.”

Xaalad tan la mid ah ayaa dhacday Juunyo 2012-kii, markii al-Shabaab ay ku amartay shacabka daggan Tiyegloow ee gobalka Bakool in ay bixiyaan $100,000, sida uu sheegay Mayow Ibraahim oo 56 jir ah kana tirsan duqayda halkaas dagan. Markaas, al-Shabaab wax mag ah ma aysan ururinaynin, laakiin waxay shacabka ku amartay inay ku kaalmeeyaan maal galinta hawlgaladooda argagixiso, Ibraahim ayaa sidaas sheegay.

Isha: Sabahi Online