Duqeyn ka dhacday Sh/Hoose & Abuu Cuteyba…

Afgooye (Caasimada Online) – Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay saqdhexe ka dhacday deegaan kala qeybiya gobolada Jubbada Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Baay halkaasi oo lagula eegtay saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Jugta culus ee duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Shanta America oo deegaan ahaan hoos taga degmada Kuntuwaareey ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyada oo bartilmaameydka uu ahaa xubno Alshabaab ka tirsan.

Warar aan la xaqiijin oo kasoo baxaya duqeynta ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay madaxii Jabhadeynta Alshabaab ninka lagu magacaabo Abuu Cuteyba, laakiin ma jiro cid xaqiijisay.

Saraakiil kale oo ka tirsan Alshabaab ayaa loo maleynayaa ku dhinteen duqeynta ka dhacday deegaanka Shanta America, waxaana jirin wax war ah oo ay soo saareen Alshabaab.

Billihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa soo badanaayay weerarada dhinaca cirka ay diyaaradaha Mareykanka ka fulinayaan Gobolada Koonfureed Somaliya, gaar ahaan Gobolka Shabellaha Hoose.

Mareykanka, ayaa hogaanka u haaya dalalka weerarada dhanka cirka ihi ka fulinaya Somaliya. Dowladda Somaliya wax dhib ihi uma aragto fara-gelintaasi, haddiiba lagu ugaarsanaayo Madaxa Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
Caasimada@live.com