27.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

EU-da oo beddeshay qorshihii hore ee tababarka ciidamada dowlada Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay inay sii wadayaan taageerada ciidamada dowlada Soomaaliya si ay xaqiijiyaan amaanka dalka ku yaala bariga qaarada Africa, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa tan iyo sanadkii 2010 dowlada Soomaaliya u tababaray inka badan 4,000 oo askari si ay kaga hortagaan dadka amni darada ka geysanaya dalka Soomaaliya, sida uu sheegay wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervano d’Urso, oo la hadlay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

“Maanta waxaan sii xoojineynaa in Midowga Yurub uu diirada saari doono sanadkaan inuu sameeyo wax ka duwan sanadihii hore, qaas ahaan dhanka amaanka, maxaa yeelay waxaa jira is bedel ku saabsan howlgalka tababarka ee Midowga Yurub”ayuu yiri Mr D’Urso.

“ujeedada aan leenahay waa in la kordhiyaa awooda amni ee ciidamada qaranka Soomaaliya, anagoo tababar siineyna kuna waanineyna inay wax badan dhanka amniga ka sameeyaan”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay tababar siinayaan inka badan 1,400 oo askari kuwaasi oo sheegay inay qeyb ka yihiin howlgalka ciidamada midowga Africa ee ka dhanka ah kooxda Boko Haram ee ka dagaalama Nigeira.

Howlgalka Tababarka ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la hirgeliyay bishii April ee sanadkii 2010, waxaana ujeedada ay aheyd in dowlada Soomaaliya laga taageero dhanka amaanka, waxaana ku baxday dhaqaalo gaaraya   ku dhawaad 10 Milyan oo doolar.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News