Faah-faahin iyo xog dheeri ah: Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Isgoyska Sayidka

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Caumar Xasan ayaa sheegay in qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayad ku taalla Suuqyaraha u dhow Isgoyska Sayidka.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa u dhow baarkii hore ee Baar Bulsho, oo ay haatan deggan yihiin dad barakacayaal ah, kuwaas oo khasaaraha qaraxa uu gaaray.

Saalax Dheere ayaa xaqiijiyey in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof, ayada oo lix ka kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa saddex ka mid ah ay ahaayeen isku qoys, waxayna geeriyoodeen  markii la geeyey isbitalka ayaga oo dhaawac ah.

“Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag. Gaar ahaan Suuq Yaraha Sayidka. Waxaa ku dhaawacmay 6 qof oo 4 ka mid ah ay yihiin hal qoys, Inkastoo markii danbe ay isbitaalka ku geeriyoodeen 3 ka mid ah qoyska,” ayuu yiri Saalax Dheere.

Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad u wanaagsaneyd bilihii dhowaa, ayada oo tallaabooyin dhowr ah oo la qaaday ay yareeyeen qaraxyada magaalada, gaar ahaan kuwa baabuurta.

Al-Shabaab ayaa qaraxyadii ay ku fulin jirtay baabuurta waxay u muuqataa inay hadda u beddeshay kuwa is-miidaamin qofeed ah, maadaama inta badan la xiray jidadkii ay kasoo geli jireen baabuurta la qarxiyo.