Wararkii ugu dmabeeyey qarax maanta ka dhacay BALCAD + Khasaaraha

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ka dhashay bam-gacmeed ayaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray maqaayad ku taalla gudaha degmada Balcad, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in maqaayadda la qarxiyey ay inta badan tegi jireen shaqaale ka tirsan maamulka degmada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu sababay khasaare u badan dhaawac, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxan, kuwaas oo kala ah guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle, sida uu VOA u xaqiijiyey Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle oo ah taliyaha saldhigga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana dhaawacyada ka dhadhay weerarkaasi qaraxa ah la geeyey isbitaallo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolka Shabeelaha Dhexe.