Kismaayo: Xog dheeri oo ku saabsan qarxii lala eegtay odayaasha Absame

Kismaayo (Caasimada Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, halkaasi oo uu galabta ka dhacay qarax xooggan.

Qaraxa oo ahaa mid meelaha fog laga hago, ayaa ka dhacay goob ay ku shiraan odayaasha dhaqanka Jubbooyinka, gaar ahaan kuwa beesha Absame oo ku yaalla xaafadda Farjano ee magaalada Kismaay.

Wariye ku sugan Kismaayo oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in dhawaqa qaraxa si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Kismaayo.

Wariyaha ma sheegin khasaaro uu geestay qaraxa marka laga reebo qalab meesha yaalay.

Qaar ka mid ah odayaasha oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay inay u maleynayaan in qaraxa uu la xiriiro laba arrin midkood oo ah in Al-Shabaab ay fulisay iyo inuu yahay mid ku lug leh aargoosi qabiil.

Malamihii ugu dambeeyey, ayaa waxaa Kismaayo ka dhacayey dilal qorsheysan oo ku saleysan hab beeleed, kuwaasi oo dad badan magaalada loogu dilay.

Raggii laga saaray magaalada Kismaayo, ayaa maamulka ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dilalka, oo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsanayaan dadka ay isku hebyta yihiin.

Maamulka Axmed Madoobe, waa uu beeniyey dilalkaas, waxaan jiray howl gallo dad badan loogu xiray arrintaas darteed.

Qaraxii maanta kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamada maamulka Jubba, kuwaasoo baaritaan sameeyay, waxaana la sheegayaa in dhowr qof ay soo qabqabteen balse si cad ah looma oga tirada dadka la soo qabtay.

Ma ahan qarixii ugu horeeyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo bishii la soo dhaafay ayey ahayd markii hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe uu ka badbaaday isku day dil kaddib markii kolanyo baabuur ah oo uu la socday uu isku qarxiyay qof watay baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com