Faahfahain: Madaafiic lagu garaacay garoonka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar culus oo ay maleeshiyada Al-shabaab ku qaaden garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Weerarka ayaa waxa uu ahaa mid isugu jiray madaafiic iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lasoo warinayaa in weerarkaasi ay ku dhinteen Ciidamada ka tirsanaa Maamulka Jubba.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u culus oo ay maqlayeen dhawaqa madaafiic culus oo labada dhinac ay isku tuurayeen, waxaana cabsi ay taasi gelisay dadka Magaalada Baardheere.

Madaafiicda qaar ayaa la soo wariyay inay u gudbeen xaafado ka mid ah magaalada, balse ilaa hada lama oga Khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.

Sidoo kale waxaan wali dagaalkaasi ka hadal Saraakiisha Ciidamada Kenya iyo Jubba, inkastoo ay goordhow qeybo kamid ah Kismaayo ay ka bilaabeen howlgalo adag.

Xaalada Magaalada ayaa hadda ah mid jawigeeda uu degan yahay, dadka waxa ay isla dhexmarayaan dagaalkii iyo madaafiicda ay maqlayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Casimada@live.com