Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka u dhexeeya Maxaas iyo Teedaan, ayaa sheegaya in maanta uu halkaas ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada Macawiisleyda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa billowday barqanimadii maanta, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in qaraxyo xooggan oo loo maleynayo inay ka dhasheen gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ka dhaceen furimaha dagaalka. Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka, maadaama dagaalku weli ka socdo deegaannada lagu dirirayo.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo jiidda hore, ciidamada Dowladda Federaalka iyo Macawiisleyda ayaa sii wada howlgalladii ay ka wadeen aaggaas tan iyo shalay, waxaana la sheegay inay go’doomiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaannada u dhexeeya Maxaas iyo Teedaan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahanno kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay gurmad u fidiyaan xubnaha go’doonsan, hase yeeshee ay halkaas kula kulmeen iska caabin xooggan oo uga timid ciidamada dowladda iyo ciidamada deegaanka ee ka qeyb qaadanaya howlgalka.
Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay qeyb ka yihiin howlgalka, kuwaas oo duqeymo ka fulinaya fariisimaha iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymahaas.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegatay guulo ka gaartay dagaallo ka dhacay isla gobolka Hiiraan. Dowladda ayaa xilligaas soo bandhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay sheegtay inay ku qabatay howlgalka, iyadoo sidoo kale xaqiijisay in duqeymo dhinaca cirka ah ay taageero u fidiyeen ciidamada howlgalka ku jiray.
Howlgallada ka socda gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada deegaanka ay ku doonayaan inay ku baabi’iyaan Al-Shabaab deegaannada ay weli kaga sugan yihiin gobolka.
Dowladda ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya natiijada dagaalka maanta, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay soo baxaan xog dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo xaaladda furimaha dagaalka.

