Xogta dagaal ka qarxay deegaano ka tirsan maamulka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya HirShabelle ayaa sheegaya in mar kale dagaal beeleed xooggan uu dib uga qarxay deegaanno dhaca xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka oo saddexdii cisho ee lasoo dhaafay ka socday aaggaas ayaa mar kale maanta ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Galcad oo uu dhow Ceelbaraf oo ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu sababay khasaare xoogleh, waxaana lasoo wariyay inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo u badan dhinacyada ku dagaalamaya halkaasi, waxaa sidoo kale jira khasaare kale oo intaas ka badan.

Xaaladda aya weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in labada dhinac ay helayaan gurmadyo ka kala imaanaya Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan xadka labada gobol.

Dhanka kale, waxaa socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka oo ku aadan sidii loo qaboojin lahaa dagaalka ka socda halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxa maamulka HirShabelle oo ku aadan dagaal beeleedka lagu hoobtay ee dib uga qarxay xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay marar badan isku fara saareen maleeshiyaadka hubeysan.

Dagaalladan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, waxaana qaarkood ay isaga barakaceen guryahooda, si aysan waxyeello usoo gaarin.

- Advertisement -

Read more

Local News