26 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Faah-faahinta dil argagax leh oo ka dhacay Galgaduud

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamaeeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo gelinkii dambe ee Talaadadii shalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kadi markii halkaas dil loogu gaystay nin shacab ah.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Raxan-reeble, kadib markii ay halkaasi tageen maleeshiyaad hubeysan oo dilay marxuumka, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Maxamuud Daahir Shiiqow o ay walaalo yihiin marxuumka ayaa sheegay in loogu tegay baraag uu ku sugnaa, kadibna  loo diay aano qabiil darteed, sida uu ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in nin hubeysan uu u yimid, kadibna uu rasaas ku furay, taas oo sababtay in isla goobta ku geeriyoodo.

“Waxaan ka war helnay xabado dhacay iyo taleefoon la’isoo diray oo laygu yiri ninkii ninbaa dilay, waxaa igu maqaal ah in ninka ay qabeen booliska” ayuu yii Maxamuud Daahir.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Booliska uu tegay meesha uuna sameeyay dabagal, waxaana inta uu socda howlalka la dhaawacay nin kale, iyada oo kadib lasoo qabtay eedeysanaha.

Ehellada ayaa dalbanaya cadaalad, si dambillaha loo horgeeyo maxkamad, kadibna loo qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Indhowaanahayaan ayaa waxa gobollada dhexe kusoo badanayay dilalka noocaan oo kale ah, waxaana ay ahayd maalmo kahor, kadib markii Dr Cumar Cabdi Daahir (Surweyn), oo kamid ahaa dhaqaatiirta da’da yar ee ka howlgala Gaalkacyo loo dilay aano qabiil darteed.

Dhaqtarka ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag hubeysan oo toogtay, kadibna ka baxsaday goobta, kuwaas oo illaa iyo hadda aan lasoo qaban.

Waa dhaqtarkii labaad oo lagu dilay Gaalkacyo sabab la xiriirta aano qabiil, waxaana horay sidaan oo kale magaaladaasi loogu dilay Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo loogu dhex-tegay xaruntiisa, kadib markii uu ugu galay nin ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay qoray AK47 ah.

Si kastaba ha’ahaatee waxaa haatan gobollada dhexe kusii kordhaya dilalka salka ku haya aanooyinka ee lagu beegsanayo dadka indhaha u ah bulshada, taas oo soo noq noqotay.

- Advertisement -

Read more

Local News