Faah-faahin ku saabsan AYAXII guurayey oo soo gaaray Galbeedka Jowhar

Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in Ayax uu ku degay galbeedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.

Deegaano ay ka mid ah Bangoronyo iyo deegaano kale oo dhaca Galbeedka magaalada Jowhar ayaa la sheegayaa in ayaxaasi lagu arkay.

Dadka Beeraleyda ah ee ku nool glabeedka Magaalada Jowhar ayaa sheegay in uu beerahooda  ku degay ayaxaas , iyagoo sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in uu dalagyada ka baa bi’iyo.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ayax fara badan uu  ku degay deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen.

Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud, waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku degayo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

Magaalooyinka uu horey usoo maray Ayax ayaa waxaa kamid ah Cadaado, Hobyo, Guriceel iyo Gaalkacyo, waxaana baraha bulshada qabsaday falcelin ku saabsan dadka Reer Cadaado oo dabka saartay Ayaxa.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhakhaatiir u dirtay goobaha uu ku dagay Ayax, wuxuuna saameyn ku yeeshay nolosha dadka caadiga iyo Beeraha.