faahfaahin qarax miino oo goordhaw ka dhacay duleedka Muqdisho iyo qasaarihiisa.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka ka I maanaya deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu halkaasi ka dhacay qarax iyada oo warar kala duwani ay ka soo baxayaan qaraxaasi.

qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka maqaayad la yiraahdo Aaran oo u dhaw laamiga deegaanka weydow ee duleedka Muqdisho.

wararka ayaa sheegay in uu jiro dhaawac kadhashay qaraxa oo soo gaaray qaar kamid ah ciidamo saarnaa gaariga  qaraxa lala eegtay waxaa sidoo kale lasheegay in ay jiraan dhimasho soo gaartay askarta qaar balse aysan jirin tiro rasmiha .

ma jirto mas’uuliyiin ka tirsan laamaha Amniga ee dowladda oo wali qaraxa goordhaw dhacay ka hadalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com