FANAANKA AAR MAANTA oo ka hadlay Dhakhaatiirta lagu laayay Soomaaliya

London (Caasimada Online) Fannaanka caanka ah ee Aar Maanta ayaa ka hadlay dilka lix qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir kuwaasoo shaley lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Fannaanka oo ka mid ah fannaaniinta sida weyn loo jecelyahay, waxaa uu dareen naxdin leh ka muujiyay dilkaas, wuxuuna soo diray fariin uu la qaybsanaayo bulshadda dareenkiisa.

Wuxuu yiri “Maantana waxaa la ugaarsanayaa dhakhaatiirtii umadda badbaadinaysay, Illahay waxaa ka baryayaa inuu masiibadan dadkeena ka qabto!”

Si kastaba, qaybaha kala duwan ee bulshadda ayaa si xun uga naxay dilka dhakhaatiirta u dhashay dalka Syria iyo midka Soomaliga ah.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay dhakhaatiirtan oo badbaadinayay nafaf badan.

Soomaaliya waxaa ka howgalla maleeshiyaad iyo kooxo dambiilayaal ah, kuwaasoo dila howlwadeena caalamiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Caasimada@live.com