Fadeexad cusub: Sarkaal ka tirsan dowladda oo ka sheekeeyey musuq-maasuq xargaha goostay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cabasho xoogan ay kasoo yeereysaa Ciidamada Militeriga Somalia ee horfadhiya Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Gobolka Sh/Hoose ayaa kusoo waramaaya in Dowlada Federaalka ay dayacday mas’uuliyadii ka saarneyd Ciidamada, waxa ayna sheegen in muddo 7 bil aysan qaadan wax mushaar ah.

Saraakiisha ayaa sheegtay in Dowladu ay xiliyada qaar gargaar gaarsiiso Ciidamada Ethiopia ee ka howlgala qeybo kamid ah G/Sh/Hoose.

Mid kamid ah Saraakiisha oo magaciisa ku sheegay Muumin ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay gaadiid siday raashiin oo ay DF u rartay Ciidamada Ethiopia, waxa uuna tilmaamay in nasiib darro ay tahay xili dowlada aysan waxba siinin Ciidamadeeda ay kuwo aan waxba ka galin u rarto raashiin.

”Adeer carruurta aan dhalnay iyo xaasaskeena ayaan meel cidla ah uga soo tagnay Dowladu iyada nama dhalin ee waxaa naga dhexeeya dalka haddii ay garan weysay inay nasiiso xuquuqdeena waxba nagama dhexeeya waxaana wajiga xijin doonaa halk aan u aragno inay ku jirto maslaxadeena”

”Uma dulqaadaneyno inaan shaqeyno mushaar la’aan, hadana nalagu cadaadiyo in raashiinka aan jeebkeena ka iibsano, waxaa wax iibsada nin wax heysta”

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Ciidamada DF ay mushaaraadkooda bixiyaan Bangiga adduunka iyo Dowlada Imaaraadka hadana ma jirto wax gaara Ciidamada taasi oo daliil u ah in Musuq-maasuq lagu hayo xuquuqda Ciidamada Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com