Fadeexad ka dhacday garoonka Muqdisho iyo DF oo arrin aan la fileyn kula kacday Dhego-badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib Dilkii iyo weerarkii Al-shabaab ka geysteen Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray dad caan ka ah bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Dadka sida weyn loo hadal hayo ee ku geeriyooday hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaa kamid ahaa Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhagobadan oo ahaa abaanduulihii ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Geeridiisa kadib waxaa salaadii janaasada loogula dukaday gudaha masjidka Shuhadaa ee ku yaala madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh iyo xubnaha ugu sareeyo dowlada Soomaaliya.

Laakiin arinta fadeexada ee ka dhalatay qaadista meydka Dhaga-badan ayaa aheyd markii dowlada Soomaaliya aysan ka qeyb qaadan qaaditaanka meydka oo la doonayay in lagu aaso deegaanka Xeraale oo uu deegaan ahaan kasoo jeeday.

Markii meydka la geeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in la geliyay diyaarad aad u yar oo naxashka uu geli waayay sida ay u yar tahay owgeed, waxaana kadib meydka laga saaray diyaaradii yareyd.

Xiligaasi waxaa  goobjoogayaal ay sheegeen in garoonka ay yaaleen diyaarado waaweyn, laakiin dowlada oo indhaha ka daawatay ayaa dadka ehelka ah u suuro gelinweyday iney kireystaan diyaaradaha kale ee garoonka yaalay.

Dad ehelka marxuumka ahaa ayaa laga soo xigtay iney sheegeen in xiligaasi garoonka ay ku sugnaayeen kaliya saraakii ciidan iyo ciidamada qalabka sida, balse uusan jirin wax masuuliyiin ah oo ka socday xafiiska dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com