Falcelin xooggan oo ka dhalatay xiisadda ka dhex-qaraxday Shariif iyo DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay xiisadda cusub ee ka dhex-qaraxday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee dowladdii ku-meel-gaarka ahayd, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib markii dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya labada dhinac laga dareemay gudaha magaalada Muqdisho.

Hay’adda NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa eedeyn u jeedisay Madaxweynihii hore ee dalka, iyada oo shaaca ka qaaday in maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata ay isku dayeen inay isk hor imaad ku riixaan ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada shacabka ee Hay’adda, xilli ay ku sugnaayeen degmada Wadajir ee Gobolk Banaadir.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Dharcadda ay muujiyeen feejignaan iyo xilkasnimo, isa markaana ay ka fogaadeen tallaabo kasta oo horseedi kartay gacan ka hadal iyo in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ee aan waxba galabsan.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka ee Hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Falalkan, oo ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed,” ayay tiri Hay’adda NISA.

Dhankiisa Sheekh Shariif oo ka falceliyay arrintan ayaa si adag u beeniyay sheegashada NISA, isaga oo tilmaamay in eedeymaha loo jeediyay ilaaladiisa ay yihiin kuwa waxba kama jiraan ah, wuxuuna sidoo kale soo bandhigay tabasho uu qabo iyo dhaliil uu u jeediyay dowladda.

“Waxaan caddeynaynaa in sheegashadaasi aysan ka tarjumayn xaqiiqada dhacdooyin tixane ah oo lagu khal-khalgalinayay deegaanka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, iyadoo si gaar ah aan uga digayno warbixinnada looga danleeyahay marin-habaabinta shacabka Soomaaliyeed ama sumcad-dilka siyaasiyiinta mucaaradka,” ayuu ku jawaabay Shariif.

Haddaba sidee looga falceliyay xiisadda cusub ee ka dhex-qaraxay Shariif iyo DF?

Xamda Xasan Axmed: “Weerar ka guryaha mucaaradka nabee waa la baneystay tan fuusto wa dhaaaftay”.

Xuseen Xamaas: “Dowladnima ayaa shaqeyneyso wixii ka horyimaadana tallaabo ha laga qaado”.

Haashim Cali Muuke: “Naftaada inaad difaacato goormay dembi noqotay?”.

Cabdinaasir Abuukar Bajaali: “Sharciga ma aha wax Facebook lagu baahiyo ee qabta ha sugina intuu dad ka dilaayee”.

Mahad Aadan Buulle: “Qiil iidin ma noqoneyso taas ee iska cadeysta waxaa rabtiin”.

- Advertisement -

Read more

Local News