Farmaajo oo ilo dhaqaale oo muhiim ah kala wareegay Axmed Madoobe (Xog)

Beledxaawo (Caasimada Online) – Magaalooyinka Beladxaawo iyo Doolow oo ku yaalla xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ahaa magaalooyin ay dhaqaale xoog leh ka soo gali jireenmaamulka Jubaland, kuwaas oo laga qabsaday sanad ka hor.

Kumanaan lacag ayaa maalin walba laga qabtaa labadaas magaalo oo ay midiiba maraan ama ay soo galaan gaadiid ku dhow 60 gaari oo xamuul iyo adeegyo kale wada waana sababta ay muhiim u yihiin labadaan magaalo.

“Gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya adeegyada gala ee ganacsiga waa weyn ah waxaa laga soo qaadaa Suuqa-Bakaaraha ee Soomaaliya, loogama keeno Mambasa ama meelo kale oo Kenya ah, maalintii ugu yaraan 30 gaari ayaa ka gudubta xadka Soomaaliya oo qaarkood laga qaado $500 waa magaalo muhiim ah, Doolow ayaa la mid ah,” ayuu yiri xildhibaan kamid ah baarlamaanka maamulka Jubaland oo Gedo laga soo doorto, kaas oo la hadlay Caasimada Online. 

“Doolow iyo Beladxaawo lacagta uu Axmed ka heli jiray waxay ku dhow yihiinmida uu ka helo Dekada iyo Airport-ka Kismaayo, waa magaalooyin muhiim ah Axmed iyo Wasiir Janaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaankaan oo aan qarinay magaciisa.

Xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Jubaland islamarkaana baarlamaanka ka soo gala Beladxaawo ayaa Caasimada Online u sheegay in hada lacagta kumanaanka kun ah ee laga helo magaalooyinkaas lagu shubo Banki ay leedahay dowladda Soomaaliya islamarkaana ay maamusho wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Janaan ayaa dhowr jeer weeraray magaalada Beladxaawo iyadoo ay dagaaladaas ku dhinteen tobanaan qof, kumana guuleysan inuu dib ugala wareego ciidanka dowladda.