Farmaajo oo ka carrooday arrin ka taagan Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si adag uga hadlay weerarada is xigxiga ee baryahaani kusoo badanaayay magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in Somalia ay dib ugu laabato waayihii ay soo martay waxa uuna sheegay in amniga magaalada uu yahay mid faraha kasii baxaaya.

Farmaajo waxa uu tilmaamay in DFS looga baahan yahya inay wax ka bedesho sida uu iminka xaalku yahay, loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay gaarsiiso kalsooni dhanka amaanka ah.

“Naguma cusba waxyaabaha lagu carqaladeynaayo amaanka ee ka dhacaaya magaalada Muqdisho, waxaa inta badan la beegsado waa shacabka iyo kuwa dhaxal galka u ah Bulshada intii ku dhimatay weerarkii shalay allaha u naxariisto, kuwa ku dhaawacmayna allaha Caafimaad degdeg ah siiyo” ayuu yiri Farmaajo.

”Waxaad moodaa in DF ay Dayacday amniga magaalada Muqdisho waxaa Muhiim ah in Dowlada ay ka shaqeyso amniga kana hortagto dadka dhibaatada dalka ka Geysanayo Ciidamadana lagu dhiira galiyo in ay amniga xoojiyaan si wax looga qabto falalka amniga lidiga ku ah ee Al Shabaab ay ka geystaan muqdisho iyo Gobolada Dalka”

Farmaajo ayaa xusay inuu ka codsanayo dowladda Somalia iyo shacabkeeda inay ammaanka ka wada-shaqeeyaan, gaar ahaan midka caasimadda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in Al-shabaab lagu dhex hayo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com