Farmaajo oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo la xiriira wada-hadalka Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay colaada u dhexeysa maamulada Somaliland iyo Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in labada maamul laga doonaayo munaasabada 1-da luulyo aawgeed ay u qaatan nabadda, waxa uuna ku baaqay in la joojiyo dhiiga daadanaaya.

Waxa uu sheegay in xilligaan la joogo aysan suurtagal aheyn in dadka Soomaaliyeed ay dagaallamaan oo ay dhiigooda daadiyaan maadaama adduunka uu daraaseynaayo in Somalia ay u bisishahay nabadda iyo in kale.

Nuqul kamid ah haddalka Madaxweynaha ayaa ahaa “Waxaan ku baaqaya in si deg deg ah loo joojiyo dhiiga ku daa’danaya Tukaraq, Wiil Soomaaliyeed ayaa Bilaa macne ugu dhimanaya, “hala Joojiyo”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, waxa uuna sheegay in si dhaqsi ah ay ku bilaabayan wadahadalka labada dhinac.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in mar labaad ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili goor sii horeysay maamulka Somaliland ay ku dhawaaqday inuu hakaday wadahadalka maadaama uu sii adkaaday Khilaafka kala dhexeeya Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com