Farmaajo oo raba inuu waqti kororsi sameeyo iyo beelo badan oo ka hor-yimid

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wado qorshe uu ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto,

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenadii la soo dhaafay waday kulamo gaar gaar ah uu la yeelanayey odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Beelaha ku matala Golaha Shacabka.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu dadaal ugu jiro sidii uu taageero ugu heli lahaa qorshe dowladdiisa ku dooneyso muddo kororsi, iyadoo muddo xileedkiisa uu ka dhiman yahay 20 bilood.

Madaxweynaha ayaa la kulmay odayaal, XIldhibaano iyo waxgarad ka kala socday dhawr beel oo ka tirsan Beelaha Soomaaliya, wuxuuna qaarkood ku qanciyey inuu sameysto muddo kororsi halka Beelaha qaarna ay u sheegeyn inaysan arrintaas caqli gal aheyn oo ay keeni doonto dagaal Sokeeyo oo mar kale ka bilowdo Soomaaliya maadaama Madaxweyne Farmaajo tixgelintiisa ay ku egtahay muddo xilliyeedkiisa .

Odayaasha , Xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha Habargidir ayaa diiday inay la kulmaan madaxweyne Farmaajo kadib markii ay sheegeyn inuu madaxweynaha wado qorsho aan lugo laheyn oo aysan jirin cid laga dhaadhacsiin karo.

Waxaa baaqday Casho sharaf uu Madaxweynaha  u diyaariyey  Odayaasha , Xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha Habargidir xilli juhdi, Qarash iyo waqti badan la geliyey.

Sidoo kale waxaa arrintaan ka hor imaaday inta badan Hawiye iyo Darood, waxayna taas cadaadis badan ku abuurtay Madaxweyne Farmaajo oo ay u muuqatay inuu qorshahaas yahay mid adag oo ay horey ugu soo fashilmeyn madaxdii ka horeysay.

Madaxweynaha ayaa waqtigiisa inta ugu badan maalmihii dambe ku bixinayey qorshahaan, waxaana laga yaabaa inuu garab ka helo Dowladda Sacuudiga oo casuumaad u sameysay haddii uu sameeyo waxyaabaha ay doonayaan oo ay ugu horeyso in la badalo Ra’isulwasaare Kheyre xilkaasna loo dhiibo shakhsi ay iyada wadato.

Sidoo kale Dowladda Sacuudiga ayaa wado qorshe ay Farmaajo ka dooneyso taasoo ah in xiriirka loo jaro Dowladda Qadar isla markaasna maamulka Dowladaan loo dhiibo iyada si ay Soomaaliya uga fulisay mashaariic ay kamid tahay lasoo bixitaanka shidaalka dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com