FARMAAJO oo weerar afka ah ku qaaday argagixisada Somalia ee Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyey xiritaanka Shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa uga warbixiyay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay u leedahay Hindisaha Shiinaha ee Kaabayaasha Dhaqaalaha (Road and Belt Initiative).

Waxa uu Madaxweynaha khudbadiisa ku sheegay in Afrika guud ahaan, gaar ahaan Somalia ay wax badan ka baran karto guulaha dhaqaale ee dalka Shiinaha.

Waxa uu Madaxweynuhu xusay in guulahaas lagu gaari karo madallaha ay ka mid tahay Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha, taasi oo kor u qaadaysa isdhaafsiga aqoonta, khibradaha iyo iskaashiga guud.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaannu bogaadinaynaa jawiga loo dhan yahay ee ay ku qabsoomaan wadahadallada, heshiisyada iyo dib u eegista qorshayaashii hore, taas oo keentay in qodobbo waxtar leh ay ka soo baxaan shirkan. Soomaaliya waxa ay si buuxda u taageeraysaa go’aanka wadajirka ah ee “Dhisidda bulsho wadaagta mustaqbal” iyo qorshe-hawleedkii Beijing.”

Waxa uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo khudbadiisa ku xusay horumarka baaxadda weyn oo dowladiisa ay ku tallaabsatay, isagoo sheegay in danta ugu weyn ay tahay in  dalka uu gaaro nabadgelyo, xasillooni iyo horumar.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in caqabadaha caalamiga ah ee Soomaaliya ay wajahayso sida argagaxisada iyo isbeddelka cimiladu ay carqalad weyn ku noqon karaan horumarka dalka.

Waxa uu tilmaamay in lagaga hortagi karo u qaadista dowladnimada, horumarinta bulshada, dhaqaalaha iyo xoojinnta maalgashiga ilaha dhaqaalaha.

Kooxaha argagixisada ayuu sheegay Farmaajo inay  halis ku yihiin amniga Somalia, balse waxa uu tilmaamay in adduubka ay kala kaashan doonaan sida looga takhlusin lahaa.

“Nabadiidka ayaa halis ku ah horumarka Somalia waxa ay caqabad ku yihiin nolosha shacabka waayo inta badan waxa ay cuuryaamiyan danaha shacabka”

Sidoo kale, Farmaajo ayaa argagixisada ku sifeeyay kuwo aan diir nixin isla markaana xooga saaraya sida ay ku fashilin lahaayen dowlada iyo nabadda ka jirta dalka, balse ay dhabar jabinayaan.

Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha Mudane Xi Jinping, qorshayaasha dib u habayneyd iyo dadaallada dowladdiisa ee ku aaddan horumarinta shacabka Shiinaha iyo dhaqaalaha dalkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com