Dhageyso: Farmaajo: Weerarada Al-Shabaab hal arrin ayaa fududeeyey waana DOWLADDA oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo asagoo ku sugan Dalka Sweden Wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa ka hadlay  Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi Ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in Mas’uuliyadda Weerarkaasi ay qaadaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana uu Xusay in Weerarada Shabaab ay Fududeeyso Habacsanaanta Dowladda dhaxdeeda ka jirta.

“Dolwadda Soomaaliya Tixgalin ma siiso Ciidamada Qalabka sida Ee Soomaaliya,Askari aan Mushaar la siineyn,oo hadii uu dhaawacmo aan Daryeel heleyn maxaa uu Cadaw iska Dicaafaa”ayuu yiri Farmaajo.

Weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Hotel Saxaafi ayaa waxaa ku dhintay Dad badan oo iskugu jira Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan, Saraakiil Ciidan iyo Dad Shacab ah.