Farqiga u dhaxeeya wafdiga DF ee kiiska badda u baxay 2021 iyo midkii 2016-kii

Inkasta oo dowladda aan garab taagnahay, ilaahna ka rajeyneyno in dalkeenna uu ku adkaado kiiska, hadana si ka duwan dowladdii Xasan Sheekh, maamulka hadda jira aamusnaantiisa iyo xog yarida jirta waxay sababtay in aan lagu kalsoonaan karin waxa socda!

Sidaasi ay tahay, waxaan horay idiin ku sheegay iney qareennada na difaacaya ay kala yihiin: Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet oo khubaro ah, laakin ma heystaan garabkii Al-sharmaani iyo dal ama hey’ad naloo sheegay iney bixineyso qarasha kiiska, taasi oo soo dedejineysa inuu jiro farqi u dhaxeeya 2021 iyo 2016!

2021: Wafdiga maanta baxay waxaa hoggaaminayey Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda xil gaarsiinta Mahdi Guuleed, waxaa qeyb ka ah: Yusuf Garaad oo ah safiirka Badda cas iyo bariga Afrika, Xeer ilaaliyihii Hore iyo midka hadda Axmed Cali Daahir iyo Suleymaan Maxamed iyo Eng Maxamed Saalixi oo ah khabiir badaha, hayey keydka, khariidadaha iyo siraha isla markaana 10-kii sano ee lasoo dhaafay xafiiska Madaxweyneyaasha kala talinayey kiiskan!

Si ka duwan 2016-kii, inta maanta baxday waxaa hoggaaminayo siyaasi, sagootintooda qeyb kama aha Madaxweynaha, lama arkin xubno bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan ah ama khubaro madaxbannaan! Laakin 2016-kii, waxaa kiiska hor kacayey Safiir Fiqi iyo Muna Al-sharmaani, teeda kale sida sawirka hoose ka aragtaan, waxaa kale oo bulshada laga waday dadkii indhaha u ahaa, oo badaha iyo qanuunka fahmayey!

Ugu dambeyntii, arrinta kale ee muhiimka ah waa qarashka kiiska, sida ay ii xaqiijiyeen ilo muhiim ah, 2016-kii waxaa kiiska badda meel u taallay $5 milyan oo ay ku deeqday dowladda Imaaraadka si loogu bixiyo qareennada iyo wax walba oo kiiska ku saabsan, lacagtaas oo aan la ogeyn wax ka haray, warar qaar ayaa sheegaya in lacagtii loo leexiyey dhismaha machad, lamana oga iney taasi sabab u tahay in Muna iyo qareenno kale lacag loo waayey iyo in kale!