Al-Shabaab oo computers ka bililaqeysatay DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-shabaab ay muddo saacado ah ka arimineysay degmadaasi.

Maleeshiyaadka ayaa habeenimadii xalay gaaf wareegayay degmada waxaana lasoo warinayaa inay cagta marinayeen xaafadaha qaar oo ay is leeyihiin waxaa ku sugan shaqaale Dowladeed.

Maleeshiyaadka ayaa waxa ay ku hubeysnaayen Hubka noocyadiisa kala duwan, waxa ayna dadka shacabka ah ku amrayeen inay ku xaroodan aqaladooda.

Maleeshiyaadkaasi ayaan wax dhibaato ah u geysan dadka deegaanka markii laga reebo caburin muddo kooban ah oo ay saaren dadka Degmadaasi ku nool.

Maleeshiyaadka waxay hawlgalo ka sameeyeen Xarumaha Maamulka Degmada, sida iyagoo gudaha u galay Xarunta Degmada, waxaana la soo sheegayaa in ay ka qaateen agabyo yiilay, sida computero.

Maamulka Degmada ayaan wali ka hadal Howlgalka ay Maleeshiyada ka sameeyen Gudaha iyo daafaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Degmadaani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ku taalla magaalada Muqdisho oo ay Al-shabaab kala baxaan qalabkii lagu shaqeynaayay xili ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com