Fashilka iyo siyaasad xummida Xasan Sheekh oo soo daahirtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh lagu xanto inuu yahay mas’uul ku fashilmay Siyaasada dalka ayaa waxaa iminka hadal heyntaasi ifiyay magacaabidii uu sameeyay labadii Asbuuc ee ugu danbeeyay.

Madaxweyne Xassan oo lagu asteeyo inuu yahay Madaxweynah keliya ee dowladiisu ay ugu musuqa badneyd Somalia, ayaa waxa uu iminka ku dhiiraday in xilal muhiim u ah Qaranka u magacaabo shaqsiyaad ku fashilmay Siyaasada islamarkaana lagu tilmaamo inay yihiin kuwo dalka ka geystay xadgudubyo.

Xukuumada Somalia oo ka tallo qaadaneysa Madaxweynaha ayaa dhawaan Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha u magacawday Sargaalka lagu magacaabo Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, kaasi oo kamid ahaa amiirada ugu waaweynaa xagjiriinta Somalia ee Al-shabaab, kaasi oo ay suuragal tahay in maleeshiyada uu iminka ka saacido dhanka Baasaboorada, Safarada iyo in si sahlan ay ku gaaran wadamada ay isha ku hayaan Kooxda.

Xassan Sheekh ayaa sidoo kale maalinimadii shalay xil cusub u magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo isagu dhawaan xilka Gobolka Banaadir looga qaaday fashil iyo in mudada uu xilka hayay boobay guryo ay lahaayen dad shacab ah.

Fashilka Xassan Sheekh ayaa iminka soo daahiray kadib markii Muungaab oo xadgudubyo farabadan ka geystay dalka uu ku abaal-mariyay xilka wasiiru dowlaha Cadaaladda ee xukuumadda Somalia.

Su’aashu waxa ay tahay sababta ka danbeysay in Xassan Sheekh uu xiligaani Muungaab u magacaabo xilkaasi awooda leh, xili shaqsiyada Muungaab ay tahay mid dareen gaar ah laga muujiyay.

Wasaarada Cadaalada ayaa inbadan ka duwan Wasaaradaha kale ee hoostaga Xukuumada Somalia, waxa ayna xaqiiqdu tahay in Wasaaradaani ay mamnuuc ka tahay in xil uu ka qabto shaqsi ku sifoobay Musuq, Boob, Cadaalad darro iyo u kala hiilinta Umadda uu mas’uulka u yahay.

C/llahi Ciise Nuur oo kamid ah Aqoonyahanada dalka ayaa nasiib darro ku sheegay in wakhtigaani kala guurka ah uu Xassan Sheekh xilalkaasi u magacaabo shaqsiyaad aan ciso ku dhex laheyn Bulshadda Soomaaliyeed.

C/llahi waxa uu sheegay in maalin dhaweyd uu aad ula yaabanaa xilka loo magacaabay Koofi, waxa uu iminkana sheegay inuu maqlay in Muungaab loo magacaabay wasiiru dowlaha Cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya.

C/llahi waxa uu su’aal ka keenay siyaasada uu Xassan Sheekh ka leeyahay in Wasaaradaasi awooda badan uu u magacaabo Muungaab oo uu sheegay inuu yahay nin isaga qudhiisa u baahan in lasoo taago Cadaalada.

Waxa uu sheegay Aqoonyahankaani in Muungaab uu dalka ka geystay xadgudubyo badan oo ay kamid tahay Boobka guryo ay lahaayen dad shacab ah.

”Waxaan qaati ka taagneyn musuq-maasuqa dalka ka jira waxaa noogu soo xigtay in shaqsiyaad loo baahnaa in cadaalada la horkeeno lagu maamuuso Wasaarada Cadaalada iyo Hay’adda Socdaalka”

Si kastaba ha ahaatee, Xassan Sheekh ayaa iminka ku eedeysan in mas’uuliyada saaran uu u adeegsado rabitaankiisa gaarka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com