Fiqi oo bogaadiyey tallaabo ay qaadeen xubno kamid ah mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa si weyn u bogaadiyay xubnaha mucaaradka ee ka horyimid warqaddii shalay kasoo baxday Golaha Mustaqbalka ee loo diray waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Fiqi ayaa marka hore su’aal ka keenay qorshaha Golaha Mustaqbalka oo iyagu diray warqaddaas oo muran badan dhalisay, maadaama ay ku dalbadeen in la dhiso Gole ku-meel-gaar ah oo uu dalku yeesho, wuxuuna yiri “Ma Qaranimada Soomaaliya ayay mucaarad ku yihiin mise Dawladda?!”.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ammaanay xubnaha mucaaradka ee iska bari yeelay warqaddaasi, maadaama ay khilaaf ka dhex abuurtay Golaha, sidoo kalena ay ka xumaadeen inta badan dadka Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga falceliyay warqaddaas.

“Waxay mudan yihiin xubnaha mucaaradka ka tirsan ee sida xilkasnimada leh uga falceliyay warqaddii ceebeyd ee kuwa ceebaysan ay qoreen, taasoo dalal shisheeye ay uga codsadeen in dalka maxmiyad la geliyo. Waxaa la is dheer yahay garaadka, xilkasnimada iyo u turidda dalka iyo dawladnimadeena sida adag lagu soo dhisay,” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale, wuxuu weeraray hoggaanka sare ee Golaha Mustaqbalka oo uu ku eedeeyay inay diidan yihiin qarannimada, ayna rabaan inay meesha ka saaraan dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaa muuqata in xubnaha Golaha Mustaqbalka Madow aysan dawladda jirta mucaarad ku ahayn balse ay hadda muujiyeen in ay qaranimada Soomaaliya mucaarad ku yihiin oo ay rabaan in ay meesha ka saaraan. Waa koox gaartay in aysan ka xishoon ku dhawaaqidda hadallo galaya qaanadda khiyaano qaran iyo sidoo kale in ay ajendayaal shisheeye ku shaqeeyaan,” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo siyaasiyiinta mucaaradka dowladda Soomaaliya ay isku khilaafeen warqaddii furneyd ee shalay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed u diray dalalka ay ciidamadoodu qeybta ka yihiin howl-galka AUSSOM iyo taageerayaasha caalamiga. Warqaddaas ayaa waxaa durba si adag uga horyimid qaar ka mid ah garabyada mucaaradka, iyadoo Wasiirkii hore ee Amniga, Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow uu si adag u diiday dalabkii ku qornaa warqaddaas, isaga oo sheegay in arrintaasi ay god ku rideyso dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan aad ula yaabay qoraal la sheegay inuu kasoo baxay Golaha Mustaqbalka oo Beesha caalamka looga dalbaday in Soomaaliya loo dhiso Gole Kumeelgaar ah,” ayuu yiri Islow oo kamid ah garabka mucaaradka ee Haybad Qaran.

- Advertisement -

Read more

Local News