Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa u jawaabay mucaaradka kasoo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mar kale dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay magaalada Muqdisho.
Dhaq-dhaqaaqyada ayaa laga dareemay aagga hoteel Jasiira oo ay dagan yihiin mucaaradka, waxaana sidoo kale halkaas lagu arkay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa kooxaha mucaaradka ku eedeeyay inay maleegayeen shirqool cusub oo uu sheegay inuu fashilmay, isagoo intaas ku daray inay hadda marmarsiiyo ka dhiganayaan in la soo weeraray, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in xubnaha qaar mucaaradka ay doonayaan inay dagaal geliyaan, si ay u gaaraan ujeedo gaar ah oo ay leeyihiin, sida uu hadalka u dhigay.
“Shirqoolkii la guntayay bilihii la soo dhaafay iyo shirarkiisii dhowaan soo gabagaboobay markii si kale oo lagu fuliyo iyo marmarsiiyo la cuskado la waayay wuxuu qorshe ka dhigtay “waa la i soo weerarayaa” loo gol-leeyahay habar-wacasho iyo marmarsiiyo maleeshiyaad lagu abaabusho. Kooxaha mucaaradka qaarkood aaminsan in qoriga kursi lagu heli karo waxay saddex jeer oo hore isku dayeen weeraro fashilmay oo shisheeye maalgalinayay bishii September 2025 weerarkii qaawanaa ee saldhigga Wardhiigley iyo bilihii May&Juun ee sanadkaan oo gantaallo iyo madaafiic ay ku garaaceen shacabka ayagoo leh banaanbax ayaan qabanaynaa!,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa difaacay ciidamada ammaanka, waxaana uu tilmaamay in weligeedood aysan ku horreyn gacanta weerarka, isla markaana mar kasta oo dagaal dhaco ama xaalad timaado, iyaga lasoo weerarro, sida uu ku dooday.
“Ma dhicin marna in ciidanka dawladdu uu weeraray ama gacanta la horreeyey, mar walba ayaga ayaa weerar ahaa, haddana maleeshiyaadka ay guryahooda ku uruuriyeen ayay rabaan in ay marmarsiiyo u helaan,” ayuu markale yiri wasiirku.
Waxaa kale oo uu intaas raaciyay “Ma jirto cid sharciga ka sarraysa, mana jirto cid laga aqbalayo maleeshiyaad ay rabto in ay Amniga Caasimadda ku qalqal geliso”.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli maanta ciidamada ammaanka dowladda iyo kuwa Sheekh Shariif ay ku dhawaadeen inay isku fara-saaraan agagaarka waddada garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaas oo laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, iyadoo labada dhinac ay isu jeediyeen eedeymo culus.

