FIQI oo weerar culus ku qaaday Dubbe kadib qoraal ay baahisay warbaahinta DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug kana mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigooda dhamaaday Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul uga falceliyay muuqaal lasoo dhigay barta bulshada talafashinka qaranka Soomaaliya.

Muuqaalkaan lasoo dhigay Talafashinka qaranka ayaa ku saabsanaa mid ka mid ah haweenka xildhibaanada golaha shacabka ah oo aflagaadeeneysa xildhibaanada kasoo horjeeda madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday, waxeyna warbaahinta cinwaan ahaan u adeegsatay qoraal lagu tilmaamay mid aan habooneyn.

Xildhibaanad Luul Aadan oo warbaahinta qaranka la hadashay iyadoo joogta xarunta Villa Hargeysa ayaa tiri “Kulanka baarlamaanka waxaa baajiyay xildhibaano calooshood u shaqeystayaal ah,” waana cinwaanka ay adeegsatay warbaahinta qaranka.

Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshada ayaa ku tilmaamay waxyaabo aan u qalmin TV-ga, sidoo kalana wuxuu wasiir Cismaan Abuukar Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta dowladda federaalka ku eedeeyay inuu yahay shaqsiga dhulak la galay warbaahinta qaranka.

“Warbaahintii umadda u dhexeysay ma waxay la mid noqotay baraha bulshada CBB-da. Waa wax laga xumaado in warbaahintii qaranku uu heerkeedii sidaas hoos ugu dhaco,” ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Axmed Fiqi.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Tv-ga qaranku maantay ma waayey wax kale oo uu soo tabiyo oo aan ka ahayn xildhibaan mid kale caynaya, waxaa muuqda in tallaabadani ay tahay mid u sii gogol xaaraysa kuwa kale oo soo socda!.!”

Ugu dambeyntiina wuxuu si gaar ah u beegsaday wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka soomaaliya cismaan Abuukar Dubbe isagoo leh: “Dubbe wuxuu ku calaamaysnaan doonaa in uu yahay wasiirkii dhulka la galay warbaahinta qaranka”