DF: Sida Al-Shabaab loola diriro ayaa loola dagaalamaya maleeshiyaadka Lafta-gareen

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay dagaalkaas ka wada qeyb qaateen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen oo isku milmay.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in dowladda ay maleeshiyaadka taabacsan Lafta-gareen ay hadda kadib ula diriri doonto sida Al-Shabaab oo kale, maadaama ay ku biireen argagixisada, sida uu hadalka u dhigay.

“Maleeshiyaadka argagixisada ku biiray ee Amniga iyo xasiloonida dadka Baydhabo carqadaynaya waxa ay la mid yihiin Al Shabaab waxaana loola dirirayaa sida Al Shabaab argagixisada ah loola diriro,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ciidamada xoogga dalka ku amaanay in ay jabiyeen kooxaha weerarka soo qaaday maanta. “Dadka magaalada Baydhabo waa ku mahadsan yihiin in ay guryahooda u diideen kooxahaas argagixisada in ay ku dhuuntaan.”

Waxa uu intaas kusii daray “Al Shabaab cid kasta oo shirko la noqota kama ab sokeeyaan, waxaan maantay caddayn loo doonayn in maleeshiyaadkii Lafta-gareen iyo kooxda Khawaarijta Al Shabaab ay isku milmeen. Saakay Labada gaari ee qaraxyada laga soo buuxiyay ee dagaalkii saakay lagu bilaabay waxay marag u tahay isku milankaas.”

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in howl-galka lagu dilay ugu yaraan illaa 30 ka tirsanaa ragga weerarka soo qaaday, isla markaana laga furtay hub iyo gaadiid dagaal.

“Intii uu socday iska-horimaadka, ciidanka XDS ayaa nololsha ku qabtay qaar kamid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaadah. Ciidammada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku aadan eedeynta loo jeediyay kadib dagaalkii maanta ee Baydhabo, kaas oo dib loogu celiyay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

- Advertisement -

Read more

Local News