Fiqi: Weerarada Muqdisho way kordhaan marka CCC uu ra’iisul wasaare noqdaba (Dhageyso)..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa eedeynxoogan usoo jeediyay hayadaha amaanka isagoo sababeeyay waxyaabaha qasbay iney Al-shabaab kordhiyaan weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in markii uu dalka uu ra’iisul wasaare ka noqdaba Cumar Cabdirashiid ay kordhaan qaraxyada iyo weerarada magaalada, taasi oo in la is-weydiiyo u baahan sababta.

Axmed Fiqi, ayaa labo arin u sababeeyay in Alshabaab ay weeraro ka geystaan magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya, waxaana arinta koowaad uu ku sheegay in Al-shabaab xiligan ay mideeyeen fikradooda ku aadaneyd dagaalka ay ka geysanayaan Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay  ciidamada ay yihiin kaliya ku koobnaaday dadka ay ilaalada u yihiin, sida uu hadalka u dhigay Axmed Macalin Fiqi.

“Iney mideeyeen awoodoodii iyo maskaxkadooda maadaama laga saaray magaalooyin dhowr ah laga saaray, waxayna sahashay iney si adag kaga fakaraan halka ay weerarayaan iyo qaabka ay u weerarayaan”

“Waxaa qorshaha labaad ah in ciidamada dowlada aysan helin adeegyadii ay u baahnaayeen, sababtoo ah ciidamada jooga waxay kaliya ka fakaraan difaacida masuuliyiinta ay hoos joogaan, oo ilaalinta dadweynaha ayaa meesha ka baxday sababtoo ah AMISOM ayaa la isku haleeyay”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa ugu dambeyn sheegay in dowlada ay cadow ka dhigatay kaliya dadka wax ka sheega siyaasada dalka, oo ay iska ilowday xaaladaha guud ee amaanka dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com