Gaadiid dagaal oo Al-Shabaab ay wateen oo gaaray deg. Cadale

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saakay xaalado kacsan laga soo sheegayaa Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe kadib markii qeybo kamid ah ay soo buux dhaafiyeen Dagaalyahaano ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab oo ku hubeysan Hubka noocyadiisa kala duwan.

Maleeshiyaadka halkaasi soo buux dhaafiyay ayaa waxa ay wataan ku dhawaad 8 gaari nooca dagaalka ah waxa ayna doonayaan inay la wareegaan deegaano dhowr ah oo hoostaga degmadaasi.

Deegaanada ay maleeshiyadaani dooneyso inay qabsato ayaa waxaa la sheegay inay faarujiyeen Ciidanka Dowladda Somalia.

Deegaanada ay maleeshiyadaani u hanqal taagayaan ayaa waxaa kamid ah deegaanada Wargaadi, Masaajid Cali Gaduud iyo kuwo kale oo hoostaga Degmada Cadale.

Sidoo kale, maleeshiyaadka duulaanka ah ee Al-shabaab ayaa dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaanka Wargaadi ku wargaliyay inay isaga baxaan dhammaan deegaankaasi, waxayna dab qabadsiiyeen guryo, goobo ganacsi iyo iskuul halkaasi ku yaalay.

Saakay ayaa waxaa laga cabsi qabaa in deegaanadaasi ay isku farasaaran ciidamada dowlada iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dhanka kale, xaalad kacsan ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com