Gaari ay la socdeen Imaamka Mudullood iyo odayaal oo lagu rasaaseeyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in gaari uu la socday Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yusuf lagu rasaaseeyey magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ka dhashay khasaare.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana lagu warramayaa inay gaysteen ciidamada ilaalada asluubta ee Xabsiga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga la weeeraray ay sidoo kale Imaamka ku wehliyeen xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka beelaha Mudullood, kuwaas kasoo laabtay gogosha tacsida Jeneral Maxamed Nuur Galaal.

Sida aan xogta ku helnay, gaariga ayaa waxaa la rasaaseeyey markii uu kasoo gudbay Koontaroolka koowaad ee waddada hormarta Xabsiga Dhexe, ee uu soo gaaray Koontaroolka labaad.

Ciidanka Asluubta ee wadadaas ku leh koontaroolka ayaa rasaaseeyay gaariga Imaamka, oo ay la socdeen askar ilaalo u ah, waxaana ka dhashay dhaawacyo soo gaaray ilaalada iyo labo ka mid ah xubnihii dhaqanka ee la socday Imaamka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Ilaalada Asluubta horey lagu wargeliyay in gaariga la socdaan Duubabka Dhaqanka Mudullood, mana cadda sababta ay rasaasta ugu fureen.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online.