Gaari weyn oo ka dhacay buundada Baydhabo oo sababay dhimasho badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Gaariga oo la sheegay inuu ahaa kuwa xambaara Wiishka ayaa ka dhacay Buundada magaalada Baydhabo, waxaana ka dhashay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca dad kale oo goobta ku sugnaa.

Buundada Insha Baydhabo ayaa la sheegay inuu Gaariga ka dhacay, waxaana ku dhintay ruuxii waday iyo ruux kale oo arday ahaa sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Maamulka degmada Baydhabo iyo shacabka degmada ayaa isku dayay inay u gurmadaan dadka waxyeelada soo gaartay, waxaana ku dhintay shilkaasi labo ruux oo mid kamid ah uu ahaa darawalkii gaariga waday.

Warar dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga uu ahaa mid kamid ah gaadiidka Shirkadda Korontada ee BECCO.

Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilal ay badi sabab u yihiin burbruka Wadooyinka,waxaana shilka Maanta Baydhabo ka dhacay uu kusoo aadaya xilli shalay duleedka Hargeysa shil ka dhacay ay dad ku dhinteen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com