Gaas: “ma jirto cid noo buuxin karta kaalinta Imaaraadka”

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga Ciidanka Badda Puntland ayaa sheegay in aysan jirin dowlad ama cid kale oo u buuxin karta kaalinta ay Imaaraadka ugu jirto.

Waxaa uu beeniyay in Puntland ay xiriirka ku jartay Imaaraadka isaga oo sheegay in IMaaraadka ay kaalin weyn ka qaateen tababarka Ciidanka Puntland sidoo kalena ay mahsaariic malaayiin dollar ah ka wadaan degaannada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah,isla markaana sidoo kale Puntland ay waxbadan uu u qabatay Imaaraadka Carabta,isaga oo tusaalo u soo qaatay ciidamada Badda Puntland ee uu tababaray Imaaraadka iyo mashaariicda uu ka fuliyo deegaannada Puntland.

“Runtii xiriirka Somaaliya iyo Imaaradka waa mid soo jireen ah oo qoto dheer,ka puntland ahaan Imaaaradka waxbadan ayay u qabteyn sida la-dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish oo weeraro ku soo qaaday Puntland  burcad baddeedi weey yaraatay dhinac walba ayay naga taageeraan Imaaraadka,ciidamadii ay noo tababareena ayaa ah kuwo Soomaaliya oo dhan difaacaya ayuu yiri Madaxweyne Gaas”

Gaas waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka uu ka filayo in ay sii wadaan taageerada Puntland iyada oo uu jiro khilaaf dhinaca diblamaasiyadda ah oo u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

Maalin ka hor Garoonka Diyaaradah Boosaaso waxaa ka baxay Diyaarad qaadday taabaraayaasha Ciidamada Puntland oo u dhashay Dalka Imaaraadka,waxaana ay baxeen iyaga oo uu muran kala dhexgalay Ciidanka ilaalada Garoonka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Imaaradka Carabta ay mashaariic horumarineyd ay ka fuliyaan deegaannada Maamulka puntland oo Malaayiin Dollar ay ku bixiso,sidoo kale uu sheegay in aysan jirin cid noola siman Imaaraadka ama u bedeli karta.

Dowladda Fedetaalka ayaa dhawaan sheegtay in Ciidamada ay tababartay Imaaraadka la wareegeyso dowladda Soomaaliya,intaas kaddibna waxaa xigtay in dowladda Imaaraadka ay ka baxdo Muqdisho iyo Puntland.

Cabdiweli Gaas waxuu beeniyay in maalmo ka hor Boosaaso lagu xanibay saraakiil ka soo jeeda dalka Imaaraadka, kuwaas oo Puntland ka caawinayay taba barida ciidamada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

SHARE

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.