Gaas oo shaaciyay qorshe halis ah oo Al-Shabaab iyo DAACISH ay wadan

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay amar duldhigay Hay’adaha amaanka maamulka.

Hogaamiye Cabdiweli Gaas, ayaa Saraakiisha Hay’adaha amaanka ku amray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah,maadaama ay jirto Cabsi ku aadan in Shabaab iyo Daacish ay Puntland weerar kusoo qaadaan.

Gaas, waxa uu Saraakiisha Hay’adaha amaanka ku wargaliyay inay suuragal tahay in deegaanada maamulka ay ka dhacaan weeraro ay maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ku qalqal galinayaan dadka deegaanka.

Gaas, waxa uu laamaha Amniga maamulka Puntland u sheegay in ay muhiim tahay in adkeeyaan Amniga gobolka Bari oo inta badan ay ka dhacaan weeraro iyo dilal qorsheysan.

Waxa uu sheegay inay sii kordhayaan maleeshiyaadka ku sugan deegaanada maamulka sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga feejignaado duulaan ay maleeshiyada ku qaadan goobo muhiim ah.

Hogaamiye Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso, waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’addaha Ammaanka Puntland si looga hortaggo dilalka qorsheysan.

Si kastaba ha ahaatee, ammaanka magaalada Boosaaso ayaa faraha ka baxay bilihii lasoo dhaafay ka dib markii halkaasi siyaabooyin kala duwan loogu dilay dhalinyaro, Waxgarad iyo Ganacsato.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com