Gadiid Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay iyo…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa sheegay iney la wareegeen gaadiid ay lahaayeen ciidamada Alshabaab oo nooca dagaalka oo gaaraya seddex gaari, sida uu sheegay sarkaal u hadlay ciidamada booliska Jubbaland ee Baardheere ku sugan.

Howlgal ciidamada ka sameeyeen deegaan 40 km u jira degmada Baardheere ayaa la sheegay in lagu soo qabtay gadiidka dagaalka oo Alshabaab ay adeegsan jireen, islamarkaana dhawaan ay ka qafaasheen duleedka Baardheere.

Garaad Axmed Warsame, oo ah taliye ku xigeenka ciidamada booliska degmada Baardheere in howlgalka gaadiidka lagu soo qabtay ciidamada jubbaland ay sameynayeen xalay ilaa waaberigii saaka, waxaana laga sameeyay deegaanka Haqaqable ee duleedka degmada Baardheere.

Baabuurta ayuu ku kala sheegay nooca loo yaqoono Qooqanta oo ay u isticmaali jireen Zekaadka ,Hal cagaf cagaf iyo Baabuurta nooca Saafka ah oo ay maalin ka hor la wareegeen.

Waxaa uu intaa ku daray inaysan dhankooda soo gaarin wax khasaare ah islamarkaana ay howlgalka sii wadi doonaan’isagoona xusay in howlgalkan loo dan leeyahay in laga hortago xoolo siduu sheegay Alshabaab ay dadka ka aruursanayan kuwaas oo uu sheegay inay ku tilmaameen Sako.

Dhanka kala isgaarsiinta magaalada Baardheere ayaa dib usoo laabatay kadib markii saraakiisha ciidamada Ethiopia ay hawada ka saareen howlgalka dartiis, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Baardheere.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com