Gadoodka saraakiisha Ahlu Suna & gorgortan la’aanta DF

Todobaadkii dhowaa yabaq ayaa ka soo yeeray heshiiskii amniga ee ka dhexeeyay Ahlu-Suna iyo Dowladda Dhexe. Bishii July 2, 2019 Dowladda Federalka Soomaaliyeed (DFS) ayaa si rasmi ah ula wareegtay ciidamadii Ahlu-Suna ee gobollada dhexe.

Isla maalintaas, qoraal ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dib loo fasaxay taageeradii la siin jiray Soomaaliya. Maraykanka waxuu gargaar raashin iyo shidaal siin jirtay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), taas oo la joojiyay December 2017, kadib markii hoggaanada – maaliyadda, saadka iyo ciidanka ay ku fashilmayn xisaab celin macquul ah, (Reuters – Dec. 14, 2017).

Tallabada Maraykanka waxay muujisay kalsoonida ay deeq bixiyaashu ku qabaan nidaamka isla xisaabtanka, ee ka dhashay hirgelinta dib u habeynta iyo diiwaan gelinta lagu xaqiijiyay tirada ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Dowladda Federalka iyo madaxda Ahlu-Suna ayaa ku heshiiyey in caasimadda Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliyeed ay ka dhacdo doorashada, isla markaasna ciidamada deeganka iyo kuwa federalka ay si wadajir ah u sugaan amniga xilliga shirweynaha dib u heshiisiinta iyo doorashada.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka asagoo aan waqti ka lumin, ayuu howlgeliyay Guddiga Isku-dhafka Ciidamada, si loo billaabo hab-raaca diiwan gelinta askarta. Hase yeeshee, war wuxuu ka dhashay habka diiwaan gelinta saraakiisha Ahlu-Suna.

Sida muuqata, Dowladda Federalka waxaa u qorsheysan in dhammaan saraakiish maliishiyaadka (Ahlu-Suna iyo maamul-goboleedyadaba) dib-u-qiimeyn lagu sameeyo inta aan loo aqoonsan darajooyinkooda.

Badanaa saraakiishaas, waxaa darajo lagu siiyay ayagoo aan soo marin kuliyad leyli sargaal amase mid hoggaan. Taas waxay khasbaysaa “in dib loo qiimeyo aqoontooda guud, xirfadooda ciidanimo iyo hoggaankooda maamul” ayuu yiri sargaal hore ciidamada uga tirsanaan jiray.

Hadafkaas, ayaa dib u dhac ku riday diiwaan gelintii saraakiisha Ahlu Suna, waana arrinta saldhiga u ah gadoodka iyo yabaqa ka soo yeeray Dhuusamareeb. Inkastoo tabta ay u dhaqmeen ay la mid tahay tii taliyeyaashii ku naaxay xuquuqda “askarta cirfiidka,” haddana, kuwa Ahlu-Suna waxay filayeen inay ku badbaadsan doonaan darajoyinkooda.

Tan iyo bishii Maarso 2019, ciidamada Soomaaliyeed waxay mushaarkooda u helayeen si joogta ah oo aan kala go’ lahayn, walow laysku dayay in la carqaladeeyo nidaamka diiwan gelinta iyo dib u habeynta mushaar-u-dirida askarta.

Tira koobkii ciidamada XDS ee wajigii 1aad, wuxuu xaqiijiyay in tirada rasmiga ahee Ciidanku tahay 16,000 (Lix & toban kun) oo askari. Halkaas, waxaa laga helay in ciidamadii u diiwan gashnaa dowladda ay seddax meelood meel ahaayen askar aan jirin (askar cirfiid).

Labadii sanadood ee ugu dambeysay, ciidamadda XDS waxaa laga lunsaday lacagdhan 28,080,000 doolar oo iskugu jirta mushaar, guno iyo raashin, haddana ilaa iyo hadda lama hayo cid loo horgeyay maxkamad (Jamhuriyadda – March 27, 2019).

Caqabadahaas iyo kuwa la mid ah ayaa maanta ka taagan wajiga 2aad, oo ah diiwaan gelinta maliishiyada maamul-goboleedyada iyo jameecooyinka diinta. Waxaase cajiib leh, in dowladda ay dardargelisay mushaarka ciidamadii Ahlu-Suna ee dhawaanta la diiwaan geliyay, kuwaas oo si lama filaan ah loogu soo shubay xisaabaadkooda bangiyada.

Tallaabadaas, waxay wax weyn ka bedeshay: (1) Gorgortanka hoggaamiyeyaasha iyo saraakiisha Ahlu-Suna kula jireen dowladda; (2) Jeebka qoysaska askarta la qarameyay, dhaqaalaha suuqa iyo ganacsatada Dhuusamareeb; (3) Ishortaagii dib-u-dhiska hay’addaha dowladnimada – gobolka iyo qarankaba.

Sideedaba, isbedel ma aha wax sahlan, haddana waxaa muuqata in dunida ay ku ammaanayso ka gorgortan la’aanta Dowladda Federalka Soomaaliyeed dib-u-habaynta ciidamada. Maqaal lagu daabacay wakaalada warfaafinta Fransiiska ayaa qiray, in Soomaaliya ayadoo go’doosan ay u dhaqaaqday dib-u-habeyn ciidankeeda, mushaarkoodana si joogta ah loo siiyo (AFP News – July 26, 2019).

Sir ma aha, in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu musuq-maasuqa badan dunida. Hay’addaha dowladda oo aan si hufan u shaqeynayn ayaa fududeeya jawiga sharci la’aanta, ciidamadana kama hufneen arrintaas.

Tallaabada tan xigtaa, ee Dowladda Federalka laga sugayo ayaa ah diiwaan gelinta ciidamada maamul-goboleedyada haatan mushaar looga qaato dowladda dhexe, si loo xaqiijiyo tiradooda loona soo afjaro hanjabaadaha iyo marmarsiiyada hoggaamiyeyaasha miliishiyadda iyo madaxda maamul-goboleedyada.

W/Q: Cabdulqadir Cariif Qaasim
Jamhuriyadda.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid