Galgaduud oo caawa ay ka jirto cabsi iyo Shabaab la sheegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in caawa halkaasi ay ka taagan tahay xiisad kacsan oo u dhexeysa maamulka Ahlusunah iyo maleeshiyada Al-shabaab.

Xisadaani ayaa ka taagan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab ay caawa soo buux dhaafiyeen deegaanada warxole iyo biyo cade oo dhaca duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka deegaanadaasi caawa gaaray ayaa ku hubeysan gaadiid dagaal oo lagu qiyaasay ilaa 13 gaari oo nooca dagaalka ah.

Maamulka Ahlusuna ayaa sidoo kale heegan buuxa galshay ciidamadooda waxaana jira warar sheegaya in labada ciidan ay caawa wadaan dhaqdhaqaaq.

Maleeshiyaadka gaaray duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa la sheegay inay ka baxeen deegaanka Ceeldheer iyo tuulooyin hoosyimaada gobolka Galgaduud islamarkaana ay isugu tageen Warxole iyo biyo cade oo ka tirsan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada Ahlusuna iyo Al-shabaab, waxaase lasoo warinayaa in caawa uu xaalku yahay mid adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com