28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

Gal-Mudug oo digtay arrin halis ku ah doorashada Somalia 2016

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay iney jiraan qataro laga baqayo iney wajahaan doorashada labo bil kadib la doonayo iney ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Qatartaasi ayaa la sheegay iney maleegayaan kooxo yar oo doonaya iney carqaladeeyaan doorashada ka dhaceyso Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa sidan u qornaa:

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay si aad ah uga wallaacsan tahay soo ifbaxa kooxo yar oo doonaya inay carqaladeeyaan hannaanka doorashada sannadka 2016-ka.

Doorashada 2016-ka iyo hannaanka loo marayo intaba waa kuwo ku saleysan dastuurka KMG iyo heshiisyada sharciga ah ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka Somaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, iyadoo weliba beesha caalamka ay hannaankaasi taageersan tahay.
Xulista xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashada ee heer dowlad goboleed, waxaa loo marey dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee sharciga waafaqsan.

Waxaa arin laga xumaado ah in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku guuldareystey inay iska dhex arkaan liiska guddiga ay bilaabaan hurin colaadeed iyo inay iska hor keenaan bulshada.

Waxaa caado ah in marka la gudagalo nidaam kala guur siyaasadeed, inay soo shaac baxaan xubno qas-wadeyaal ah oo marka ay nidaam sharci ah wax ku waayaan isku daya inay carqaladeeyaan barnaamijyada dowlad dhisidda iyo isbeddelada siyaadeed ee jira.

Siyaasadda Dowlad Goboleedka Galmudug waa mid ku dhisan inay u adeegto guud ahaan shacabka gobolladan ku dhaqan, iyadoo aan loo kala eexan, isla markaana waxay dhiirigelineysaa in dhammaan siyaasiyiinta ay waddo sax ah u maraan doonista xilalka siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News