Galmudug oo durbo isku khilaaftay xubnaha Aqalka Sare + Sababta

Cadaado (Caasimada Online) – Khilaaf xoogan ayaa waxa uu ka taagan Xubnaha maamulka Galmudug ay usoo xusheen Aqalka Sare ee uu soo gudbiyay Madaxweynaha Maamulkaasi.

Waxa uu dhashay Khilaafka kadib markii Madaxweyne Guuleed uu xubnahaasi usoo xushay shaqsiyaad isaga ku mabda’ ah.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka maamul Galmudug ayaa iyaguna ka biya diiday in la meelmariyo Xubnahaasi waxa ayna digniin kasoo saaren in Guddiga uu ku degdego aqbalida xubnaha loo soo gudbiyay.

Xildhibaanadu waxa ay ku doodayaan in Xubnaha liiskaasi lala baalmaray sharciga isla markaana aan waafaqsanayn cadaaladda iyo dastuurka u degsan Galmudug.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinka laga doonaayo in qudhooda ay ka fogaadan wixii dhib u keenikaro.

Waxa uu sheegay inuu cadeynaayo in hanaanka lagu soo xulay xubnahaasi uu yahay mid khilaaf badan uu ka taagan yahay sidaa darteedna loo baahan yahay in laga fiirsado.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali, waxa uu sidoo kale, sheegay in qof walba oo ka soo jeeda degaanka uu xaq u leeyahay inuu u tartamo aqalka sare ee Galmudug balse cadaalad darro uu sameeyay madaxweyne Guuleed.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ka Baarlamaan ahaan aysan meelmarin doonin xubnahaasi islamarkaana ay wanaagsan tahay in la dhowro sharciga.

Waxa uu cod dheer ku sheegay in Liiskaasi uu ka taagan yahay Khilaaf sidaa darteedna aysan aqbali doonin in la meelmariyo Xubno aan la waafajin sharciga Galmudug.

Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo inta badan Hogaamiyayaasha Gobolada dalka ay liiska Aqalka Sare kusoo hardheen rag ay iyaga wataan, balse kasoo kala jeeda beelo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com