Galmudug oo jawaab culus ka bixisay tallaabadii Saciid Deni

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay tallaabadii uu maanta qaaday Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo booqasho ku tegay deegaanka Dhinawda ee Gobolka Mudug, iyada oo Galmudug ay sheegtay in deegaankaas uu hoostago maamulkeeda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faadumo Faandhe) oo shir jaraa’id ku qabatay gudaha magaalada Dhuusamareeb ayaa si adag uga hadashay booqashada ay maanta wafdiga Madaxweynaha Puntland ku tegeen deegaanka Dhinawda, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay, kadibna kormeer sameeyay.

Faadumo Faandhe oo si caro leh ugu jawaabtay Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku dooday in deegaanka Dhinawda uu ka tirsan yahay Galmudug, isla markaana ay iyagu metalaan shacabka deegaankaasi.

“Hadal kuma jiro shakina kuma jiro Dhinawda Galmudug ayaa iska leh, waxaana caddeyn u ah kuraasta aan ku fadhino,’ ayay tiri Faatuma Faandhe.

Sidoo kale, waxa ka jawaabtay hadalka kasoo yeeray Saciid Deni oo ujeedka safarkiisa ku sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada Puntland ee ku aaddan u kuurgelidda xaaladda nololeed iyo xoojinta nabadda, isagoo ku dhawaaqay in  Garoowe lagu qaban doono gogol nabadeed, si loo xoojiyo nabadda, wada-noolaanshaha iyo isku-xirnaanta bulshada Towfiiq iyo Dhinawda ee Mudug.

“Haddii nabad laga shaqeynaayo meeshaas waxaa la rabaa dadka nabadda ka shaqeynaayay iyo dadka kale inay isla soo xiriiraan. Hoggaamiye Deni waxaan rabnaa inaan u sheegno haddii uu rabo inuu heshiisiiyo labada beelood maamulka Galmudug hasoo maro,” ayuu sii raacisay.

Booqashada Saciid Deni ayaa dhalisay caro xoogan, waxaana horay uga fal-celiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, lagana soo doorto Galmudug, isaga oo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay inuu colaad ka huriyo bariga Gobolka Mudug.

“Soomaalidu waxay tiraahdaa, ‘Ratigii raran ku gubtay baa yaqaan wuxuu geel ugu sheekeeyo.’ Saciidow, niman ilma-adeeradaa ah baa qaraabo dirirtay ee ka joog colaadda aad Bariga Mudug ka waddid. Dab baad ku ciyaareysaan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Haddii ay waxqabad kaa tahay, dadka aad matasho ee ku dhiban deegaannada Puntland, gaar ahaan deegaannada Kulub iyo Garacad oo ay saameeyeen isbeddelka cimilada, xoolo-dhaqatada iyo kalluumeysatadana leh, wax u qabso. Deegaankaas dadkiisa ayaa u tashanaya, una jooga. Wabillaahi Towfiiq”.

Si kastaba, madaxda Galmudug ayaa horay uga digay in Saciid Deni uu booqdo Dhinawda balse dhegaha ayuu ka fureystay, wuxuuna maanta isku soo sawiray bacaadka ku sii fidaya magaaladaasi oo ka tirsan Gobolka Mudug.

- Advertisement -

Read more

Local News